Riix Halkan English

Maadooyinka
More Links
 

Deq Tutorial waa urur ka diiwan gashan wadanka Ingiriiska (UK), waxaana la aasaasay lana sharciyeeyay 2008. Ururkana waxaa aasaasay macalimiin wax ka dhiga iskuulada wadanka Ingriiska iyo waalidiinta dhalay caruuraha dhigta iskuulada.

Run ahaantii hal urur iyo labo urur toona ma baahi tiri karaan ummaddeena degan wadanka ingiriiska waayo waa dad aad u badan oo kala degan meelo kala duwan oo wadanka ah, haba ugu badnaato magaalo madaxda London. Sidaas darteed, Deq waxay u istaagtay inay wax kaqabato, awoodana saarto xaga waxbarashada caruurteena dhigata iskuulada hoose,dhexe iyo sareba. Waxay Deq bilawday inay dhigto fasalo lagu barto Luqada Ingriiska, Xisaabta, Diinta, Computerka, Scienceka iyo baraarujin ama talosiin ku saabsan xaga dhaqanka iyo dabeecadaba.

Deq intaas kuma eka, waxay wadaa oo dhowaan bilaabaysaa inay waalidiinta ama dadka waaweynba u qabato waxyaabo badan sida:

1) Barida Luqada (ESOL)

2) Wacyi gelinta ku saabsan xaga waxbarshada caruurtooda iyo siday ku horu mari lahaayeen

3) Fahamka xaga muqararka wadankan wax laagu dhigo ama looga dhigo

4) Caawinta xaga talo bixinta ku saabsan Guryaha, Lacagta la qaato, Shaqooyinka iyo waraaqaha loo buuxsado

5) Talo bixinta xaga suaalaha shaqada iyo waxyaabo kale oo badan oo aanan halkan kusoo koobi karin.

 

 

 

Copyright Reserved 2008 | Deq.org.uk